|
 |
|
Kooxda kubadda cagta
ee Midnimo oo ku guuleystay Koobkii Sannakan
(2007)
|
St. Paul, Minnesota
July 04, 2007
 |
Kooxda kubadda cagta ee Commonality oo gashay
kaalinta 2aad
|
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxa si is daba jog ah uga
socday Gobolka ay Soomaalidu buuxdhaafisay ee Minnesota,
ciyaaro iyo damaashaadyo loogu magacdaray Todabaadka
Soomaalida (Somali Week), oo ay soo qaban
qaabiyeen Ururka Somali American Independence Day. Isla
markaasna lagu xusayay maalintii ay xuroobeen
kooforta Soomaaliya iyo o isu taggii labada gobol
ee Waqooyi Iyo Koonfur.
Munaasibadan oo lagu soo bandhigay bandhig faneedyo kala
gadisan ayaa hadana waxa goobta yaalay koob lagu
maamuusayay muhiimada ay leedahay maalintii la'iska
tuurey heeryadii gumaysiga.
Koobkan ayaa hadaba waxa si xirfadaysan ugu tartamay 10
kooxood oo ka kala yimid Dunida daafaheeda sida Yurub,
Canada iyo gobalada kala gadisan ee dalkan
Mareykanka. Ciyaarahaas oo dhamaantoodba ahaa kuwa
xiiso iyo xaamaasad badan.
Cayaarahaas oo maalinba maalinta ka dambeysa laysugu
xoog sheeganayey ayaa waxaa laysla soo gaaray FINALKA ama
ugu dambeyntii ay isugu soo hadheen labada kooxood
oo kala ah Midnimo iyo Commonality
oo labadaba hoygoodu yahay wadankan Mareykanka gaar
ahaan gobalka Minnesota.
Hadaba bishan July 2deedii, 2007 ayaa
goroonka kubadda cagta ee magaalada St. Paul waxaa
uu buuxdhaafshay boqolaal Soomaali ah oo xiisa
weyn u hayey ciyaartii dhexmaraysay labada kooxood
ee Midnimo iyo Commonality. Ciyaartaas oo un ahaantii
aheyd mid xiiso leh oo ay laba kooxoodba banaanka soo
dhigeen wixii ay khibrad iyo tobabarba qabeen si ay u
hantaan guusha Koobka.
Balse waxa la isku mari waayay qeyb tii hore ee ciyaarta
ay kooxiba kooxda kale ku waday weerar iyo weerar celis,
laakiin nasiibku aanu midna siin in ay goolhaye yaasha
dhinac marshaan Kubada. Taas oo ku dhamaatay 0-0.
Nuskii danbe (halftime) ee Ciyaarta markii lasku soo
laabtay iyada oo tobabareyaashuna soo dhiibeen wixii ay
talo iyo tusaaleba ay hayeen, ayaa goreenkii
marlabaad la isku baacsaday in kasta oo labada kooxoodba
ay ka muuqatay ciyaar xirfadaysan oo waliba xiiso
galisay daawadayaasha. Waxaa marag madoonto aheyd
in kooxda Midnomo si adag u xoojisay weerarkooda halka
difaaca kooxda Commonality uu ka muuqday habacsanaan uu
daal ku jiro, taas oo kaliftay in ay Midnomo ku hubsato
3 gool shabaqa kooxda Commonality cayaartiina ay
ciyaartu ku dhamaato 3-0.
Waxa xusid mudan oo aan marna laga tagi karin in
caiyaarta kadib inta aanan biladaha iyo koobabka la
gudoosiin ciyaartoygii halkaas isugu yimid in uu
Maxamuud Nuur Wardheere oo ka tirsan Shaqaalaha Xafiiska
Senator Colman oo looga bartay ururinta iyo kor u
qaadida tayada ardayda Soomaaliyeed uu soo diraarshay
Barnamij kooban oo lagu guddoon siinayaay Shahaadooyin
ardaydii Soomaaliyeed ee sanadkan ka qalin jabisay
Jaamacadaha gobalkan Minnesota oo tiro ahaan ku dhawaa
150 arday balse ay munaasibadan ka soo qeyb galeen ku
dhawaad labaatameeyo arday.
 |
|
Qaar ka mid ah
ardaydii sannadkan ka qalin jibisay Jaamacadaha
gobolka Minnesota
|
Shahaado bixintan iyo xuskan gaarka ah ayuu Maxamuud
Wardhere ii sheegay, in ujeedadiisu tahay in lagu dhiiri
galiyo dhalinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay
joogaaan iyo in lagu faano hormarka ay Soomaalidu ka
gaartay dhinaca waxbarashada . Ayada oo tani aheyd
markii ugu horaysay ee Munaasibadan oo kale la isugu
keeno arday ka soo qalin jabisay jaamacadaha kala duwan
ee ku yaala gobolkan Minnesota.
Gabagabadii xuska munaasibda xoriyada Soomaaliyeed ayaa
waxa halkaas lagu baxshay abaalmarimo ay ka mid ahaayeen
Koobka Kaalinta Koobaad oo ay hanatay Kooxda
Midnimo halka ay kaalinta labaad gashay kooxda
Commonality.
Abaalmarinadii kale waxaa loo kale helay sida
soo socota:
1- Tobabaraha Sanadka Ciise Mohamed oo watay kooxda
Somali Stars ee Gobalka Tennessee.
2- Ciyaaryahanka Sanadka (MVP) Nuradiin Yussuf #22
Kooxda Midnimo
3- Ciyaaryahanka ugu Difaaca adkaa Mustafe Scoupy Kooxda
Commonality
4- Goolhayaha Sandaka Cali Xasan Kooxda Somali Stars
5- Ciyaaryahankii ugu Goolasha badnaa Yuusuf Xasan 8
Gool, Kooxda Midnimo.
6- Kooxda heshay Bilada edaabta La Cruz oo ka Socotay
magaalada St.Cloud.
Gabagabadii Mubnaasabaddaasi waxay ahayd mid dadkii
ka soo qeyb galey ay si aad ah ugu riyaaqeen waxyaabihii
halkaas ka socda iyo farxaddii ay is dhaafsanayeen dadka
Soomaaliyeed ee ku nool gobolkan Minnesota oo had
iyo jeer aad u weyneeya Maalmaha qaddarinta mudan ee
Gobanimada Soomaaliya.
Waxaa warbixintaan gobolka Minnesota nooga soo diray:
Abdifatah Mohamed Abdinur
E-mail: abdifatah_7@hotmail.com
Contact:
infozone@djibtalk.com
|